Warqadda Furan ee agaasimaha guud ee IKRK Robert Mardini iyo xoghayaha guud ee DRK Christian Reuter

Jabsashada xogta dadka adduunka ugu nuglan waa wax laga caroodo

Weerarkii internetka ee dhawaan loo geystey xogta samafalka ee ay leeyihiin 515,000 oo qof waxuu gaf ku yahay aadamaha, waxuu khatar gelinayaa dadka hore ugu dhibaataysan saamaynta dagaalka ama masiibada.

Waxaa kuwaas ka mid ah dad ay qoysaskooda ku kala lumeen colaad, haajiraad iyo masiibo dabiici ah, dad la baafinayo oo la waayey iyo qoysaskooda, iyo dad xiran. Xogtani waxay ka timid dad ku kala baahsan adduunka oo dhan, iyagoo macluumaadkooda sirta ah ku aaminay shabakad samafal ah oo ay gargaarkooda si xun ugu baahnaayeen.

Masuuliyaddani annaga wax fudud nalama ahayn. Guddiga ICRC ayaa muddo badan ka soo war hayey khatarta ah in xogtayada maalin lagu abbaaran karo weerar noocaas ah. Waxaan hirgelinnay xoojimooyin kaladuwan sanadahan dambe sababtoo ah halista sii kordhaysa ee weerarrada amniga internetka waxaanan la shaqaynay shariiko aan aaminno si aan heer sare ugu hayno dhawrista xogta iyo nidaamyada.

Laakiin weerarkan ayaa muujinaya in nidaamyadan aanan laga difaaci karin hawlgallada internetka ee casriyaysan. Oo isla sida aanay u habboonayn in shaqaalaha samafalka ay abbaarsadaan ama eegtaan qolooyinka colaad ku jira, waa in xogta samafalka sidoo kale loo xushmeeyo oo loo isticmaalo oo keliya ujeeddooyinka samafalka. 

Weerarka internetka ayaa badi keena macaash lumay ama feydanka ama muuqaalka macluumaadka kaarka deynka. Sida ay markan tahay, xogtan ayaa suurogal noqon karta in loo isticmaalo si waxyeello loogu geysto dadka aad iyo aad u nuglan, xataa carruurta aanan lala soconin. Weerarkani waxuu ku xadgudbayaa sirtooda, badbaadadooda iyo xaqa ay u leeyihiin in ay helaan badbaadinta iyo gargaarka samafalka ah.

Weerarku waxuu weliba waxyeelleeyey kartida ay shabakaddayada dunidu u leedahay in ay soo hesho dadka la baafinayo ee la waayey oo ay dib u wada xiriiriso qoysaska. Waxaa mawduucan tusaale u ah qaraxii buurta iyo daadkii ka yimid mawjadihii badda soo dhaafay ee dhawaan ku dhacay waddanka jasiiradda Baasifigga ee Tonga. Waxaa qasantay shaqadayada aan ku caawinno in gargaar la siiyo qoysaska walwalsan iyo dadka la baafinayo.  Sidoo kale shaqadayada raadinta ee aan ka qabanno goobaha colaadda, sida midda ku toosan Afqaaniyiinta ka cararaya rabshadda.

 

Qiyaastii 60 mujtamac qaran ee Laanqayrta Cas ama Bisha Cas ayaanan iminka heli karin xogta ay ku soo dareen nidaamkan adduunka, markaa ma eegi karaan faylalka kiisaska haajiriinta ka cararaya colaadda, masiibada ama gaajada aad iyo aad u xun. Nasiib wanaag, xogta qaybna laguma tirtirin ama masaxin jebinta oo kooxahayaga ayaa ka shaqaynaya in ay dhisaan nidaamyo ku meelgaar ah oo annaga noo suurtogelin doona in aan sii wadno shaqadan daruuriga ah. 

Culayska ugu weyn ee maanta wadnahayaga saaran ee aan ka walwal qabno waxa weeyaan halista in ay naga lunto aaminaadda dadka gargaarkayaga u baahan, haddii ay tahay si sir ah iyo si qarsoodi ah. Waxaan soo helaynaa habab aan ku wargelinno dadka xogtooda laga yaabo in la arkay oo aan ku sharraxno tallaabooyinka aan qaadayno si aan xogtooda u dhawrno mustaqbalka.

Dhacdadani waa midda ugu dambaysay ee ka mid ah caado walwal leh oo lagu sameeyey weerarro ku lug leh amniga internetka oo sanadahan dambe loo geystey isbitaallada iyo adeegbixiyeyaasha samafalka. Weerarrada internetka ayaa lagu abbaartay xarumo caafimaadeed oo ku yaalla meelo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Czech, Faransiiska, Isbayn, Thailand, Maraykanka iyo Koonfur Afrika. Weerarradan ayaa dadka ku khasbi kara in ay dib u dhigaan qalliinada, iyo in bukaannada sakaraadka ah meel kale loo diro. Weerarrada ayaa dib u dhigay in laga shaqeeyo baaritaannada cudurka COVID-19.

Wadajir, waa in aan is hortaagno: Hawlgallada iyo weerarrada internetka ee liddi ku ah ururrada caafimaadeed iyo xogta iyo ururrada samafalku waa khatar, lama aqbali karo waana sharci darro.

Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa ku dadaalaya in aan noqonno waxa ugu fiican ee aadamaha laga helo. Waxaan caawinnaa dadka ku jira duruufta ama xaaladaha ugu xun waxaanan u dhawrnaa sharaftooda. Weerarkan ayaa waxyeellaynaya shaqada daruuriga ah ee aan dhammaanteen qayb ku leenahay.

Haddiina aan la hadalno dadka xogtooda la jabsaday: waxaan og nahay in aad annaga nagu aaminteen macluumaad shakhsi ahaaneed iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyin masiibo leh oo ku yimid noloshiina. Waxaan rabnaa in aad ogaataan in aan si kastoo aan karayno ugu dadaalayno in aan soo celinno adeegyada aan ugu baaqno ama u soo bandhigno dunida oo dhan. Aad ayaan uga shaqayn doonnaa in aan haysanno aaminaaddiina si aan adeegga idiinku sii wadi karno.

Robert Mardini 
Agaasimaha Guud
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas

Christian Reuter
Xoghayaha Guud
Laanqayrta Cas ee
Jarmalka

zum Anfang

Cookies helfen uns bei der Bereitstellung unserer Inhalte. Durch die Nutzung unserer Webseite erklären Sie sich damit einverstanden, dass wir Cookies setzen. Erfahren Sie mehr

OK