Flagge des IKRK
Sie befinden sich hier:

Weerar internet ayaa ku dhacay xogta raadinta caalamka

Macluumaad loogu talagalay dadka ay saamayso

Ogaysiin waafaqsan Qod. 34 ee Sharciga Dhawrista Xogta ee Guud (DS-GVO)

Maalintii Jannaayo 18, 2022, weerar ka yimid internetka oo loo geystey adeeg bixiyaha xarunta xogta ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (IKRK) ayaa la arkay. Marka si kale loo dhigo, qof ka baxsan ururka Laanqayrta Cas ayaa galay xogta loo kaydiyo ujeeddooyinka adeegga raadinta iyadoo markaana laga yaabo xogtaada.

Dhacdadani waxay walaac qotodheer ku dhalisay dhammaan dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas iyo weliba annaga oo ah ururka Laanqayrta Cas ee Jarmalka (DRK). Waxaan rabnaa in aan kuugu ballanqaadno, annagoo wadajir la ah guddiga IKRK, in aan si xooggan uga shaqaynayno in aan dhacdada u fahanno sida ugu dhakhso badan ee suurogalka ah. Waxyaabaha soo socda, waxaan adiga kugu siinaynaa dhammaan macluumaadka aan ilaa iyo hadda soo gurnay, si aan xaaladdan caqabadda leh wadajir ugu xallin karno sida ugu fiican ee suurogalka ah.

  • Maxaa dhacay?

    Iyadoo qayb ka ahayd weerar abbaaran oo xirfad sarreeya oo ka yimid internetka, in ka badan 515,000 oo qof oo ku kala baahsan adduunka ayaa la jabsaday xogtooda shakhsi ahaaneed iyo macluumaadkooda sirta ah. Dadka ay tani saamayso waxaa ka mid ah qoysas kala kulmay, dad raadinaya qof ay qaraabo yihiin, dad la baafinayo oo la waayey iyo xubnaha qoyskooda iyo dad kaloo gargaar ka hela Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas.

    Maadaama Adeegga Raadinta ee ururka Laanqayrta Cas ee Jarmalka (Adeegga Raadinta DRK) uu weliba shaqadiisa u isticmaalayey nidaamyada dijitalka ah ee la abbaartay oo ay markaa saamaysay jebinta amnigu, waxaan ka xun nahay oo khasab nagu ah in aan ka soo qaadno in xogta shakhsi ahaaneed ee aad annaga noo soo dirtay sidoo kale looga yaabo in ay heleen weerareyaashu. Baaritaanno dheeraad ah ayaa weli socda. Hase yeeshee, waxaan waqtiga xaadirka ah ka soo qaadaynaa in gelitaankan aanan rukhsad loo haysani uu inta ugu badan khuseeyey macluumaadka shakhsiyad badan ee u kala baxa noocyada soo socda:

    • magaacda, jinsiga, taariikhaha dhalashada, goobaha dhalashada, dhalashada ay haystaan, jinsiyadaha ay raacsan yihiin dadka raadinaya qof ay qaraabo yihiin, laakiin weliba macluumaadka noocaas ah ee ku saabsan dadka la baafinayo, xiriirrada, direyaasha iyo heleyaasha farriimaha ururka Laanqayrta Cas,
    • cinwaannada guriga iyo boostada, lambarrada telefoonka, cinwaannada iimaylka ee dadka raadinaya qof ay qaraabo yihiin, dadka lala xiriiro, direyaasha iyo heleyaasha farriimaha ururka Laanqayrta Cas, iyo weliba xogta xiriirka ee noocan ah ee ugu dambeeyey ee laga hayo dadka la baafinayo,
    • macluumaadka ku saabsan xiriirka qoyska ee ka dhexeeya ama waxa ay isku yihiin dadka dad raadinaya iyo dadka la baafinayo, iyo weliba direyaasha iyo heleyaasha farriimaha ururka Laanqayrta Cas.

    Haddii aad macluumaadkan khaaska ah annaga nala wadaagtay taasoo qayb ka ahayd codsigaaga, markaa waxaan annagu xogtan gelinnay nidaamyada dijitalka ah ee dhibaatadu gaartay.

    Annaga waxaa weliba suurogal nala ah in sawirrada dadka dad raadinaya iyo dadka la baafinayo weliba lagu helay rukhsad la'aan, haddii aad oggolaatay in aad ka qayb qaadato barnaamijyada Trace the Face (Raadi Wajiga) / Trace the Face – Kids (Raadi Wajiga – Carruurta).

    Annagu weli ma ogin ujeeddada loogu geystey jebintan amniga ee daran. Baaritaanka dhacdada ee ilaa iminka ayaa tilmaamaya in xogta ay dhibaatadu gaartay aanan la farafaraynin ama la tirtirin ama masaxin weerarkan ka dib. Maxaa dheer, iminka ma jiro wax tilmaamaya in xogta la xaday hore loogu shaaciyey dadweynaha ama loo diyaariyey dadweynaha si ay u helaan. Hase yeeshee, arrimahan oo dhan waxaa siyaado u baaraya oo si joogto ah ula socda khuburro takhasus u leh amniga kumbiyuutarrada.

  • Waa maxay saamaynta uu weerarku leeyahay?

    Adeegga Raadinta DRK, oo ay weheliyaan guddiga IKRK iyo 191ka Mujtamac ee Qaran ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee waddamada kale, waxuu gargaar siiyaa dadka ay kala lumeen ehelkooda sababtoo ah colaadaha dagaal, masiibooyinka dabiiciga ah, baxsashada, barakaca ama haajiraadda.Marka aan wada shaqayno, Shabakaddan Caalamiga ah ee Dib u dhisidda Xiriirrada Qoyska ayaa caawisa in la raadiyo ehelka, dib loo wada xiriiriyo oo dib la iskugu keeno qoysaska. Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa maalin walba caawiya in dib la iskugu keeno labo iyo toban qof oo la baafinayo iyo qoysaskooda. Weerarrada internetka ee midkan la mid ahi waxay halis geliyaan shaqadan muhiimka ah.

    Waxaa annaga mudnaan sare noo leh in aan dhawrno macluumaadka adiga iyo dadka kale ee gargaar raadinaya aad annaga nagu aamintaan ee la xiriira raadinta ama baafinta caalamiga ah. Taas awgeed ayaan u raacnaa xeerar khaas ah oo u yaalla habdhaqanka ama hawl qabashada marka aan ka shaqaynayno macluumaadkan shakhsiyad badan waxaanan ku dadaalnaa in aan  marwalba nidaamyadayada dijitalka ah ka dhawrno gelitaanka aanan rukhsad loo haysanin ee dhinacyo ama dad kale annagoo adeegsanna farsamada ugu casriyaysan.

  • Waa maxay tallaabooyinka aan iminka qaadayno?

    Islamarkii ka dambaysay aragga weerarka, nidaamyada guddiga IKRK ee ay dhibaatadu gaartay ayaa la demiyey si looga hortago in xogta siyaado loogu galo rukhsad la'aan. Shirkad takhasus u leh amniga kumbiyuutarrada ayaa weliba loo xilsaaray in ay baarto weerarka oo ay guddiga IKRK ka caawiso in ay kordhiyaan amniga nidaamyadooda dijitalka ah si looga hortago weerarrada noocaas ah mustaqbalka.

    Maxaa dheer, annagoo ah Adeegga Raadinta DRK waxaan islamarkiiba qaadnay tallaabooyin dheeraad ah si aan amni ugu yeelno oo aan gelitaanka aanan rukhsad loo haysanin uga ilaalinno nidaamyadayada gudaha, kuwaasoo aan, tusaale ahaan, u isticmaalno si aan macluumaad qarsoodi ah si amni leh ugu dirno gudaha Adeegga Raadinta DRK, kuwaasoo aanan ku xirnayn nidaamyada kumbiyuutarrada ee ay dhibaatadu saamaysay ee guddiga IKRK. Si aan u hubinno in Adeegga Raadinta DRK uu weli hawlgalo oo uusan joogsanin, waxaan isticmaali doonnaa kaydka xogta hoose ee ururka Laanqayrta Cas ee Jarmalka si aan ugu fulinno Adeegga Raadinta Caalamiga ah ilaa war kale la helayo, halkaasoo aan ka heli karno macluumaadka aan u baahan nahay ee khuseeya kiiskaaga ilaa la hubin karo in nidaamyada guddiga IKRK dib loogu soo celiyo meel amni leh. 

    Maadaama aanan si cad loo ogayn baaxadda iyo saamaynta weerarkan, waxaan weli baaraynaa dhacdada waxaanan qiimaynaynaa halisaha iyo dhibaatooyinka suurogalka ah in ay uga yimaaddaan xaalado iyo shakhsiyaad kaladuwan. Waxaaba sii adag in aan qiimayno halisaha khaaska ah ee adiga kugu wajahan maxaa yeelay waqtiga xaadirka ah war kama hayno dadka ka dambeeyey weerarkan iyo ujeeddada loo isticmaali karo xogta la xaday.

  • Waa maxay tallaabooyinka aad adigu qaadi karto?

    Inkastoo aan tallaabooyinkaas qaadnay, haddana waxaa suurogal noqon karta in aad adigu la kulanto, tusaale ahaan, khayaano ama tuuganimada aqoonsiga, waxaanan markaa rabnaa in aan adiga talo kaa siinno tallaabooyinka aad waqtiga xaadirka ah qaadi karto si aad khasaaraha u yarayso:   

    • Ka war hay weerarrada ama farriimaha macluumaad lagu raadinayo, matalan farriimaha khayaanada ee la soo diro ee u muuqda in ay ka yimaaddeen meel la aamini karo ama soo dire aad adigu garanayso. Farriimaha noocaas ah ayaa dadka hela weydiin kara in ay macluumaad shakhsi ahaaneed ku sheegaan bar internet oo been ah ama telefoonka si loo geysto falal dembi ah sida tuuganimada aqoonsiga, si rukhsad la'aan loogu galo akownnada helaha ama qofka farriinta hela, ama kumbiyuutarka ama telefoonka moobaylka ee helaha loo geliyo barnaamij waxyeelleeya.
    • Ha ka jawaabin farriimaha shakiga leh oo macluumaad shakhsi ahaaneed ha sheegin marka aad ka jawaabayso farriimaha iimayl ee aadan codsanin ee aad hesho. Haddii uu shaki kaa galo, fadlan la xiriir xarunta taageerada Adeegga Raadinta DRK ee kuugu dhow si laguugu kala caddeeyo haddii aan annagu macluumaadkan adiga kaa codsannay.
    • Haddii aad hesho farriin iimayl ama farriin qoraal ama teksti ah oo shaki leh oo sheeganaysa in ay ka timid ururka Laanqayrta Cas ama ku weydiinaysa macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, islamarkaaba tirtir ama masax farriinta oo cid kale ha u gudbinin hana la wadaagin. Hubi in ay dhab tahay calaamadda ururka Laanqayrta Cas ee Jarmalka ee ku taalla.
    • Haddii aad iyaga xiriir kula jirto, macluumaadkan u gudbi qaraabadaada iyo xiriirrada aad xogtooda shakhsi ahaaneed annaga nala wadaagtay markii aad noo soo dirtay codsigaaga raadinta.
    • Islamarkaaba ka wargeli dadka aad isku dhowdihiin in laga yaabo in xogtaada sharci darro lagu isticmaalo.
  • Halkeed ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah?

    Isla marka aan helno war cusub oo ku saabsan halka ay dhacdadani ka timid oo suurtogelin doona qiimayn sii faahfaahsan oo halista lagu sameeyo, degdeg ayaan taas adiga kuugu diyaarin doonnaa barta internetka Adeegga Raadinta DRK ee halkan www.drk-suchdienst.de.

    Fadlan booqo barta internetka Adeegga Raadinta DRK si aad ula socoto horumarka natiijooyinka aan helno iyo si aad u ogaato tallaabooyinka dheeraadka ah ee la qaadayo ka dib jebintan amniga. Waxaa si kaste loogu dadaali doonaa in adiga lagu siiyo talooyin waxtar leh oo ku saabsan sida aad u badbaadinayso naftaada iyo ehelkaaga, taasoo ku salaysan macluumaadka ugu dambeeyey ee la hayo.

    Haddii aad walaacyo ama walwallo gaar ah ka qabto in jebintan darani ay saamayso macluumaadka aad bixisay, fadlan ha ka waabanin in aad la xiriirto xarunta taageerada Adeegga Raadinta DRK ee kuugu dhow. Waqtigaas oo keliya ayaan go'aamin karnaa tallaabooyinka dheeraadka ah ee ku habboon kiiskaaga shakhsiyeed si loo horjoogsado halisaha dhow. Haddii aadan haysanin, waxaad halkan ka heli kartaa macluumaadka xiriirka ee habboon: https:/www.drk-suchdienst.de/drk-suchdienst-in-ihrer-naehe/.

    Sarkaalka dhawrista xogta ee Adeegga Raadinta DRK ayaad weliba kula xiriiri kartaa iimayl aad u dirto halkan Datenschutz-Suchdienst(at)drk.de.

Farriinta aan adiga ku siinayno

Waxaan kuugu ballan qaadaynaa in aan diyaar u nahay in aan kaa caawinno xaaladdan adag. Waxaan og nahay in aad annaga nagu aamintay macluumaad shakhsiyad badan iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyin qarsoodi ah oo ku yimid noloshaada. Masuuliyaddan wax fudud uma aragno. Waxaan rabnaa in aad ogaato annagoo wadajir u ah Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas, in aan inta karaankayaga ah ku dadaalayno in aan bixinno adeegyada aan ugu baaqno ama u soo bandhigno dunida oo dhan.

“Aad ayaan uga shaqayn doonnaa in aan
haysanno aaminaaddaada si aan adiga adeegga
kuugu sii wadi karno.”

Robert Mardini, IKRK iyo Christian Reuter, DRK
Akhriso warqadda furan

zum Anfang

Cookies helfen uns bei der Bereitstellung unserer Inhalte. Durch die Nutzung unserer Webseite erklären Sie sich damit einverstanden, dass wir Cookies setzen. Erfahren Sie mehr

OK